Xasan Shiikh iyo François Hollande oo Paris ku kulmay

Image

October 15, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa shalay (Talaado) gaareen magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska ayaa halkaas kulan kula qaatay dhiggiisa dalka France, François Hollande.

Labada madaxweyne oo kulan mddo saacad ka badan qaatay wada yeeshay, waxay kawada hadleen arimo ay kamid ahaayeen sidii Somalia iyo France xiriirkooda diblumaasiyadeed u xoojin lahaayeen iskaashina uga sameyn lahaayeen dhanka ammaanka iyo horumarinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka kadib si kooban warbaahinta caalamiga ah ula hadlay, wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu dalka Faransiiska ku tegey isagoo si weyn uga mahadceliyey sida diirran ee halkaas loogu soo dhoweeyey. 

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in dowlada Faransiiska oo xubin ka ah quwadaha shanta ah ee dunidu ballan qaaday inay Dowlada Federaalka ka taageeri doonto dhanka horumarinta iyo la dagaalanka argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM