Xasan Shiikh oo booqdey Jigjiga, cayaar dhaanto ahna ka qayb galey [Daawo]

Image

JIGJIGA- Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagey magalaada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Somalida Ethiopia.

Booqashada Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa noqoneysa midii ugu horeysay uu ku tago is-maamul goboleedka Somalida ee Ethiopia tan iyo inta uu xilka qabtey.

 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la yeeshay madaxda degaanka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar. 

Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa xilli mudooyinkii dambe isku dhacyo ku dhexmarayeen shacabka Somalida ee dagan degaanada ku dhow xuduudka Iyo ciidmada maamulkaas.

Xasan Shiikh oo magalaada Addis Ababa kaga soo qayb galey kulankii madaxda IGAD ayaa magalaada Jigjiga oo caan ku ah cayaarta dhaantada xaflad halkaas loogu qabtey.

Safarka Madaxwyne Xasan Shiikh ayaa sidoo kale ku soo beegmey xilli ka filayo in doorasho ka dhacdo Somaliya iyadoo dadka Siyasada u dhuundaloola sheegayan in xiriir la leedahay ololihiisa siyaasdeed.

HALKAAN KA DAAWO MADAXWEYNE XASAN OO DHAANTO CAYAARAYA

GAROWEONLINE 

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM