Xasan Shiikh: Wax badan baan ka qabtey 6-dii tiir aan balanqaadey

Image

Madaxweynaha Somalia Xasan Shikh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyey xaflad lagu maamuusayey 3 guuradii kasoo wareegtay markii uu ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday ayaa sheegay iney waxyaabo badan u qabsoomeen mudadii uu dalka hogaaminayey.

Madaxweynu waxaa uu sheegay in dowladiisu mudadii ay jirtay wax weyn ka qabatay amniga, wuxuuna tibaaxay iney ku guuleysteen xaqiijinta amniga dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Xasan Shiikh ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka federaalka ay qaadatay Somalia uu yahay mid aysan si wanaagsan u fahmin inta badan shacabku, wuxuuna tibaaxay in dowladiisu dhamaystirayso dhismaha maamul goboleedyada si loo dardar galiyo hirgalinta nidaamkan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in markii uu la wareegayey xilka aysan magaalada Muqdisho dowladdu wada maamuleen, wuxuuna ka dhawaajiyey in xiligan dowladdu gacanta ku hayso inta badan gobolada dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku faanay inuu wax badan ka qabtay dhinacyada siyaasadda arimaha dibadda iyo garsoorka dalka.

Dadka dhalila madaxweynaha Somalia ayaa ku tilmaama in Mud.Xasan Shiikh uu ku guuldareystey intii uu talada dalka hayey ballan qaadkii shacabka u sameeyey sanadkii 2012kii.

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Federaalka ayaa dhowaan soo saarey mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha kuwasoo ku eedeynaya in khayaamo qaran.

Dhinaca kale waxaa jira mooshin kale oo xildhibanao tageersan madaxweyne Xasan Shiikh ag dhigeen gudoonka Barlamanka.

Gudoonka Barlamanka Somalia ayaa qoraal uu dhowan soo saarey ku sheegey inuu dhexdhexaadinayo xildhibanaada is-diidan iyo madaxda ugu sareysa dowlada gaar ahaan madaxweynaha Federaalka oo eedeyn laga soo gudbiyey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM