​Xasan Xanafi oo markale dil lagu xukumay

Image

MUQDISHU-Ninka loo haysto dilka wariyaal badan oo Somalia ah ayaa dhawaan maxkamada darajada Koowaad ku riday xukun dil ah kaasi oo racfaan ka qaatay, waxaan markale khamiistii lasoo dhaafay loo fariistay dhagaysiga dacwadda la xiriirta eedaha loo haysto.

Dhagaysiga eedaha iyo difaaca Xasan Xanafi Xaaji kadib ayaa maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Somalia waxay sheegtay in dib la isugu soo laabto, waxaan maanta oo Sabti ahay 26 Marso, 2016  la go'aamiyay xukunka ninkaasi.

Maxkamada ayaa ayidday go'aankii horay u qaadatay maxkamadda darajada Kowaad waxayna sheegtay in xukunkiisu yahay dil toogasho islamarkaana la qisaasi doono.

Gudoomiyaha maxkamaddaasi Cali Yarow ayaa warbaahinta u sheegay maxsuulka kasoo baxay kiiska uu Xanafi racfaanka ka qaatay, wuxuuna sheegay in wajibkiisu yahay dil toogasho ah islamarkaana ku cadaadeen dhammaan eedihii loo soo jeediyay, isagoo dhinaca kale xusay in loo dili doono dhammaan wariyaashii uu ku lug lahaa dilkooda gaar ahaan Sheekh Nuur Abkey oo katirsanaa Warbaahinta Qaranka Somalia.

Tallaabadan ayaa timi kadib go'aan la gaaray 03 bishan, wuxuuse qaatay racfaan ugu dambayn ku biyo shubtay in markale dil lagu xukumo.

Goobta maxkamadayntu ka dhacday oo ah magalada Muqdishu, waxaa soo xaadiray wariyaasha xarunta Somalia ka howl gala kuwaasi oo sidoo kale joogay madashii horay loogu xukumay.

Xanafi ayaa ahaa Wariye ka howl gala magalada Muqdishu balse la shaqeeya ururka Shabaab, wuxuuna ku lug lahaa dilal badan oo loo gaystay wariyaal Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM