Xassan Sheekh oo Diinsoor kulamo ku soo qaatey

Image

26 August, 2015 (GO)-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay, ayaa kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida, kuwa AMISOM. waxgaradka iyo bulshada ku nool degmadaasi.

Xassan Sheekh ayaa ku tilmaamey qaybaha uu la kulmay inay soo celin karaan rajada dadka ku nool Diinsoor ee gobolka Baay.

Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan degmada Diinsoor ka saarey ururka Al-Shabaab oo muddo Siddeed sano ah gacanta ku hayay, waana degmadii ugu dambeeysay ee ka tirsan gobolka Baay oo laga saaro Al-shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM