Xeer ilaaliyaha Somalia oo ka hadlay xarigga sharci darada ah [Dhagayso]

Image

14 Octobar, 2015(GO)-Xeer ilaaliyaha guud ee Somalia Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in xilligan uu dhamaaday waqtigii dadka la iska xir-xiri jiray, isaga oo ku sababeeyay in sharciga dalka uu yahay mid shaqeynaya. 

Xeer ilaaliyahu wuxuu tilmaamay qof aanan maxkamad la soo marsiinin inuusan ku xirnaan karin saldhigyada magaalada Muqdishu in ka badan 48-saacadooda.

"Waa dhamaatay xilligii dadka la iska xiri jiray, waxaan sameynay dadaalo badan, waana laga gudbay, wali waxbaa jira, laakiin waa wax aan aad u badneyn”Ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.  

Axmed Cali Daahir ayaa xusay in 17-ka Saldhig ee ku yaalla magaalada Xamar qofna inuusan si sharcidaro ah ugu xirnaan karin.  

Xeer ilaaliyaha Qaranku inkastoo uu sheegaayo in sharciga dalku shaqaynayo, hadana waxaa jira shakhsiyaad  badan oo muddo ku xabisnaa jeelasha magaaladasi kuwaas oo aan weli helin cadaalad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM