Xeerka saxaafadda Puntland oo Garowe looga dooday [Dhagasyo]

Image

20 September, 2015(GO)-Waxaa magalada Garowe lagu qabtay dood ku saabsan qaybo ka mid ah xeerka saxaafadda Puntland oo la meelmariyay bishii Jullaay ee sannadkii hore.

Qaar ka mid ah qodobada xeerka ayaa wariyaasha Puntland sheegeen inaysan waafaqsanayn xoriyadda hadalka, halka kuwa kalena la isku fahmi la'yahay cidda bixinaysa aqoonsiga saxafiga Puntland.

Dooddan ayaa soo jiitamaysay muddo, waxaana ururka saxaafadda Puntland ee MAP sheegeen inay doonayaa sidii wax ka badal loogu samayn lahaa.

Shir arrintaasi ku saabsan oo socon doono labo maalin ayaa lagu qabtay xarunta PDRC, waxaan ka soo qayb galay xubno ka socda Barlamanka Puntland, wasaaradda warfaafinta iyo xubno matalayay bulshada rayidka ah.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamud Xassan Soocadde oo furay doodda ayaa tilmaamay xeerka inuusan ahayd mid dhibaataynaya wariyaha, isagoo xusay inay arrintani tahay mid MAP ku doonayso awood.

Ururka MAP, oo ka hadlay dhankooda ayaa sheegay inaan la marsiin karin waxyaabaha aysan raali ka ahayn, arrintana sii wadi doonaan illaa wax ka badal lagu sameeyo xeerka.

Qaar ka mid ah ururada bulshada ayaa tilmaamay inay haboontahay wax ka badalka xeerka wariyaasha iyadoo loo marayo nidaam wadatashi ah.

Xeerkan waxa la meelmariyay bishii Jullaay ee sannadkii 2014, waxaana tan iyo markii la ansixiyay soo baxayay cabashooyin kala duwan oo ku aaddan qaar ka mid qodobada uu ka koobanyahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM