Xeerka saxaafadda Puntland oo Garowe looga dooday [Dhagasyo]

Image

20 September, 2015(GO)-Waxaa magalada Garowe lagu qabtay dood ku saabsan qaybo ka mid ah xeerka saxaafadda Puntland oo la meelmariyay bishii Jullaay ee sannadkii hore.

Qaar ka mid ah qodobada xeerka ayaa wariyaasha Puntland sheegeen inaysan waafaqsanayn xoriyadda hadalka, halka kuwa kalena la isku fahmi la'yahay cidda bixinaysa aqoonsiga saxafiga Puntland.

Dooddan ayaa soo jiitamaysay muddo, waxaana ururka saxaafadda Puntland ee MAP sheegeen inay doonayaa sidii wax ka badal loogu samayn lahaa.

Shir arrintaasi ku saabsan oo socon doono labo maalin ayaa lagu qabtay xarunta PDRC, waxaan ka soo qayb galay xubno ka socda Barlamanka Puntland, wasaaradda warfaafinta iyo xubno matalayay bulshada rayidka ah.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamud Xassan Soocadde oo furay doodda ayaa tilmaamay xeerka inuusan ahayd mid dhibaataynaya wariyaha, isagoo xusay inay arrintani tahay mid MAP ku doonayso awood.

Ururka MAP, oo ka hadlay dhankooda ayaa sheegay inaan la marsiin karin waxyaabaha aysan raali ka ahayn, arrintana sii wadi doonaan illaa wax ka badal lagu sameeyo xeerka.

Qaar ka mid ah ururada bulshada ayaa tilmaamay inay haboontahay wax ka badalka xeerka wariyaasha iyadoo loo marayo nidaam wadatashi ah.

Xeerkan waxa la meelmariyay bishii Jullaay ee sannadkii 2014, waxaana tan iyo markii la ansixiyay soo baxayay cabashooyin kala duwan oo ku aaddan qaar ka mid qodobada uu ka koobanyahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM