Xidhibaan Dhoobo-daareed "Dowlad iyo nin baan ahayn" [Dhagayso]

Image

09 November, 2015(GO)-Xildhibaan Cabdixakiim Dhoobo-daareed oo u sharaxnaa jagada gudoomiyaha Barlamanka Puntland, ayaa ka hadlay doorashada maanta ka dhacday magalada Garoowe.

Dhoobo, ayaa sheegay inuu leeyahay han siyaasadeed oo uusan ka niyad jabi doonin hamigiisa, wuxuuna xusay inuu la shaqayn doono gudoomiyaha cusub.

Xildhibaanku, waxa uu soo hadal qaaday qaabka doorashadu u dhacday, waxaana uu tilmaamay in hoolka Barlamanka Puntland ku tartameen hal qof iyo dowladda Puntland.Waxa uu intaasi ku daray inuu ka cabsi qabay in la soo magacaabo, maadama qaabka wax u socden ka baxsanayd sida caadiga ah.

Hadalka Xildhibaan Cabdixakiim Dhoobo-daareed ayaa daaha ka qaaday arrimo laga wada dharagsanaa taasoo ah in Madaxweyne Gaas lacag ku bixiyay qaabkii kursigan u heli lahaa Xildhibaanka guulaystay ee Axmed Cali Xaashi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM