​Xiisad ka dhalatay Nabadoono lagu dilay Caabud-waaq

Image

CAABUD-WAAQ, Somalia- Labo Nabadoon ayaa lagu dilay, 10 kalena waa lagu dhaawacay weerar xalay ka dhacay degmada Caabudwaaq, ee gobolka Galgaduud.

Koox hubaysan, oo aan haybtooda la garanayn ayaa rasaas ku furay dad Shacab ah oo fadhiyay Meel Shaah lagu cabo oo ku taalla bartamaha magaalada Caabudwaaq, kuwaasoo goobta isaga baxsaday.

Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in Labada Nabadoon ee lagu dilay Weerarka lagu kala magacaabi jiray Aadan Jaamac iyo Barre Diini, kuwaasoo ku sugnaa halka weerarku ka dhacay.

Dadka ku dhaawacmay Tacshiiradda ayaa waxaa ku jira 4 qof oo Haween ah, waxaana la dhigay Isbitaalka Guud ee Caabudwaaq, sida ay noo sheegeen dhaqaatiirta la tacaalaysa xaaladooda.

Lama garan karo Sababta ka danabayso in Rasaas lagu furo Dadka Shacabka ah, balse waxaa xusid mudan in Caabudwaaq ay ka dhacayeen mudooyinkii danbe Dilal la xiriira Aanooyin qaabiil.

Falkan ayaa sababay xiisad kala shaki ah iyadoo maamulka Galmudug ee gacanta ku haya magalada uu ku eedeeyay dilkaasi Puntland, waxaana dilka nabadoona laga dareemay degmada Caabudwaaq.

Sidoo kale, weerar ayaa Xalay ka dhacay Degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii Al Shabaab weerartay Saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Dowladda FS.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Somalia waxay sheegeen inay iska-caabiyeen weerarka kooxda Al shabaab, islamarkaan ay ka dileen tiro maleeshiyaad ah.

Qoryooley waxay 120KM uga beegan tahay Koonfur Galbeed Muqdishu, waxaana laga saarey Kooxda Al Shabaab Bishii Maarso ee 2014-kii, kadib weerar dhiig badan ku daatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM