Xiisad ka taagan degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo

Image

07 September, 2015(GO)-Maxamed Cabdi Kaliil oo ah guddoomiyaha dowladda Somaliya ugu magacaaban gobolka Gedo ayaa maanta tagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Tegitaanka Kaliil ee Garbahaarey ayaa xiisad ka dhalisay magaalada, kadib markii ciidamada Ethiopia ee jooga magaalada ay isku hareereeyeen gurigii uu ku sugnaa.

Dadweyne ka mid ah kuwa magaalada ayaa banaanbax ka hor sammeeyey guriga Kaliil ee Itoobiyaanku isku hareereeyeen, taasi oo keentay in ciidamada Ethiopia ay ka tagaan guriga.

Wararka naga soo gaaraya Garbahaarey waxa ay sheegayaan in weli xiisad iyo cabsi ay ka jirto magaalada. 

Dhawaan gobplka Gedo waxaa maamul cusub u soo magacabey maamulka Jubbaland, waxaan Kaliil oo la hadlayay Idaacadda VOA-da uu sheegay in looga baxay hishiis dhigayay in maamulka gobolkaasi aan waxba laga badalin.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo dhawaan tagay Kismayo aya sheegay inaysan dhag jalaq u siin doonin hadalada Maxamed Cabdi Kaliil, isla markaana haatan la joogo waqti loo bahanyahay wax-qabad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM