Xiisad siyaasadeed oo ka aloosan magaalada Hargeysa

Image

November 15, 2014 (GO)- Saaka oo Sabti ah waxaa dib u furmi doona kal-fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland oo marar badan hakad galay kadib markii khilaaf soo kala dhex galay xukuumadda iyo mucaaradka.

Wararka laga helayo magaalo madaxda Maamulka Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegaya in ajandeyaasha fadhiga Golaha Wakiillada ee saaka uu qayb ka yahay mooshin la doonayo in xilka looga xayuubiyo Guddoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cirro.

Xildhibaanada mooshinkan dabada ka riixaya oo tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 50 mudane, waxay ku andacoonayaan in guddoonka baarlamaanku wax ka bedeley xeerkii diiwaan gelinta madaniga ee Goluhu ansixiyey kahor intaan loo gudbin Golaha Guurtida.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland islamarkaana ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa sheegay in ciidamada ammaanku la wareegeen xarunta baarlamaanka islamarkaana xireen wadooyinka xarunta soo gala.

Cirro wuxuu intaas ku daray in ilaaladiisa loo diidey inay xarunta u gudbaan talaabadaasoo uu ku tilmaamay inay tahay inqilaab -waa sida uu hadalka u dhigaye-  haseyeeshee saraakiisha booliska ayaa arintan beeniyey iyagoo sheegay in ciidamadii booliska ee halkaas ilaalada ka ahaa kuwo kale lagu bedeley balse wax kale oo siyaado ahi jirin.

Xalay ciidamada boolisku waxay gurigiisa kala baxeen dabadeedna xabsiga u taxaabeen Xoghayihiii Guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle. Lama oga sababta mas'uulkaas loo xiray welina dowladdu wax faah faahin ah kama bixin.

Mooshinka Hargeysa ka socda ee la doonaya in lagu rido Gudoomiye Cirro wuxuu kusoo aadayaa xilli isla maanta baarlamaanka Dowladda Federaalka loo gudbin doono mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM