Xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo u sharaxan gudoomiyaha Barlamanka Puntland

Image

07 November, 2015(GO)-Xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo ka mid ah Barlamanka Puntland ayaa maanta iclaamiyay inuu u taaganyahay jagada Afhayeenka Xildhibaanada Puntland.

Axmed Cali, ayaa horay u soo noqday gudoomiyaha Barlamanka Puntland xiligii dowladdii Cade Muuse, waxuuna  saxaafadda u sheegay inuu booska horay u soo qabtay aqoonna badanna u leeyahay hogaaminta Xildhibaanada.

Doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa laqabanayaa Isniinta soo socota, waxaana u Sharaxan dhawr mundane.

GAROWEONLINE

Related Articles