Xildhibaan diidey qoraalka Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka

Image

14 Octobar, 2015(GO)-Xildhibaan Cabdibarre Yuusuf  Jibriil oo ka mid ah mudanayaashii mooshinka ka keenay Madaxweyne dalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si wayn uga horyimi hannaanka loo maareeyay mooshinkooda kaasi shalay laga soo saaray qodobo la sheegay inay si wadajir ah u saxeen Gudoomiyaha Barlamanka iyo Ra'isal wasaaraha Somalia.

Xildhibaanka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Gudoomiyaha Barlamanka uu saddexdii sano ee tagay ka aamusnaa jabinta dastuurka ee uu sameeyay Xassan Sheekh.

“Mudane Gudoomiye dastuurka iyo sharuucda dalka u yaala cidina ma afduuban karto, saddex-diinna ma afduuban kartaan, xaqiiqda dhabta ah waa in dadka la gaarsiiyaa, waxaan qof walba iyo beesha caalaamka u sheegayaa in Xildhibaanadii mooshinka saxiixay la dhagaysan waayay banaanka ay taagan yihiin, Gudoomiye maxkamad ma aad tihid Xeer ilaaliyana ma tihid, sharci ilaaliye ayaana tahay, maxaa Ra’isul wasaarayaal 3-ah oo labo ka mid ah ad tooraysay, in la rido sidaan ogayn ugu sacabinaysay?, mooshinka Madaxwaynaha maxaad hoos u galinaysaa ? Ayuu yiri Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka mid ah Barlamanka Somalia.

Jibriil ayaa hoosta ka xariiqay  in Jawaari uu Xildhibaanada uga baxay balamo badan uu la galay, wuxuuna waydiiyay  sababta uu uga hadli waayay dadka shacabka ah ee guryahooda la dhacayo.

Hadalkan ayaa imaanaya Xilli shalay la soo saaray qoraal looga hadlay qodobadii ay soo gubiyeen qaar ka mid ah Barlamanka, kuwaasi oo lagu dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Mudanayasha mooshinka keenay ku qanceen sixidda, waloow hadda iyo horayba u jireen mudanayal ka soo horjeed qaabka loo maaraynayo mooshinkan soo maray marxalado badan oo ay ka mid ahay in Guddoonku sheegay in la laalay gabi ahaantiisba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM