Xildhibaan Carab "ka yeeli mayno dowladda inay waqtiga kororsato" DHEGEYSO

Image

July 30, 2015 (GO)- Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Difaaca ee Barlammaanka Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise,   oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay tahay arrin nasiib darro ah inaysan dalka Soomaaliya ka dhici doonin doorashooyinkii loo balansanaa sanadka 2016.

Xuseen ayaa sheegay in xukuumadda xilligaan jirta iyo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo lagala xisaabtami doono sababaha keenay in ay habsaamaan shaqooyinkaas muhiimka ahi.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in sanadka dambe Soomaaliya ka dhacdo doorasho, nooca ay doontaba ha ahaatee.

Ugu dambeyntii wuxuu carrabka ku adkeeyey in xukuumadda hadda jirta aan laga  yeeli doonin inay waqtiga kororsato.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan ayaa ku fashilantay in badan oo kamid ah balan qaadyadii ay horay u samaysay, gaar ahaan ballan-qaadkii ahaa in dalka doorasho hal qof iyo hal cod ahi ka dhici doonto marka la gaaro sanadka 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM