Xildhibaan Dalxa: "Ra'isal Wasaaraha ha laga daayo cadaadiska"

Image

February 2, 2015 (GO)- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Barlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay waqtiga dheeriga ah ee la siiyey xukuumadda Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali sharmaake, si uu dib u eegis ugu sameeyo una soo dhameystiro xukuumadiisa cusub.

Dalxa oo saxaafadda Muqdisho la hadlay, wuxuu sheegay inuu jiro cadaadis xooggan iyo faragelin lagu hayo shaqada Ra'isal Wasaaraha, inkastoo uusan si rasmi ah u caro baabin cidda faragelinta ku haysta shaqalada Cumar Cabdirashiid.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in ra'isal wasaaraha loo madax banaaneeyo howlihiisa si uu u soo xusho xukuumad tayo ah. Wuxuu sheegay in fara-gelintu in ay keenayso is qabqabsi iyo in aan horay loo dhaqaaqin.

"Waxaan baaqaya a raacinayaa hadii ay jirto cid fara-gelin ku haysa ra'isal wasaaraha in ay ka dhaafaan si uu u guto masuuliyadda ka saaran umadda iyo wadankaba. Dadka uu keenayo isaga ayaa beri xambaraaya masuuliyadooda hadii ay shaqada gudan waayaan. " Ayuu yiri Dalxa.

Ra'isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya waxaa saameeyey dhinacyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda isla markaasna dano kala duwan leh. Xildhibaanada baarlamanka federaalka ah ayaa dhowr jeer  ugu goodiyey in aysan ansixin doonin xukuumadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM