Xildhibaan Gurxan oo dhaawac soo gaaray u geeriyooday

Image

07 November, 2015(GO)-Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa caawa ku geeriyooday cusbital ku yaala magaalada Muqdishu, kaaso xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayay, ka dib dhaawac culus oo saaka ka soo gaarey weerar ay gaysteen dablay aan haybtooda la aqoon.

Geerida Xildhibaan Gurxan oo ka tirsanaa mudnayaasha Barlamanka Somalia, waxaa warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Somalia, wuxuuna u tacsiyeeyay ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay marxuumku.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia aya sidoo kale diray tacsi taa la mid ah u diray dhammantii uu ka baxay Xildhibaan Gurxan.

 Maaha markii ugu horaysay oo mudane ka tirsan Xildhibaanada Somalia lagu dilo weerar qorshaysan, dhawaan ayaana mudane kale ku dhintey weerar ururka Al-Shabaab ku qaadeen hotel Saxafi ee magaalda Muqdishu

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM