Xildhibaan Gurxan oo dhaawac soo gaaray u geeriyooday

Image

07 November, 2015(GO)-Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa caawa ku geeriyooday cusbital ku yaala magaalada Muqdishu, kaaso xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayay, ka dib dhaawac culus oo saaka ka soo gaarey weerar ay gaysteen dablay aan haybtooda la aqoon.

Geerida Xildhibaan Gurxan oo ka tirsanaa mudnayaasha Barlamanka Somalia, waxaa warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Somalia, wuxuuna u tacsiyeeyay ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay marxuumku.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia aya sidoo kale diray tacsi taa la mid ah u diray dhammantii uu ka baxay Xildhibaan Gurxan.

 Maaha markii ugu horaysay oo mudane ka tirsan Xildhibaanada Somalia lagu dilo weerar qorshaysan, dhawaan ayaana mudane kale ku dhintey weerar ururka Al-Shabaab ku qaadeen hotel Saxafi ee magaalda Muqdishu

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM