Xildhibaan Keerow "waan soo dhoweynayaa dhismaha derbiga"

Image

March 24, 2015 (GO)- Bilow Kerow oo ah xildhibaan ka tirsan barlamanka Kenya lagana soo doorto degmada Mandheera ayaa soo dhoweeyey derbiga dowladda Kenya sheegtay inay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Keerow oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska The Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in derbigani qayb weyn ka qaadan doono xoojinta ammaanka Kenya.

" derbigu wuxuu hoos u dhigayaa tirada kooxaha argagixisada ee soo gelaya  gudaha Kenya kadibna geysanaya falalka ammaanka lidka ku ah ee dhaqaalaheena wiiqaya" ayuu yiri.

Dowladda Federaalka mas'uuliyiin ka tirsan ayaa sheegay in warka ku saabsan dhismaha derbigan aan lagu soo wargelin dowladda Soomaaliya.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga boqollaal askari oo qayb ka ah hawgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Al-shabaab ayaa weerarro ka geysaneysey gudaha Kenya laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaasoo militeriga Kenya dhinaca Soomaaliya usoo tallaabeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM