Sandheere "DF ayaa mas'uul ka ah wixii ka dhaca gobollada dhexe"

Image

Sept 10, 2014 (Garowe Online)- Cabdulqaadir Maxamed Aadan San-dheere oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlammaanka Soomaaliya ayaa ka digay colaad ka dhalata qaabka loo wajahayo maamul u samaynta gobalada dhexe.

Xildhibaanka oo waraysi gaar ah siiyay Garowe Online, ayaa sheegay in cadaalad darro badan ay ka muuqato qaabka loo sameeyay gudiga farsamada ee soo dhisaya maamulka iyo qaabka loogu qeybiyay beelaha daga gobalada Mudug iyo Galgaduud.

"anigu beesha aan matalo ee aan u ahay xildhibaanka ee degta gobaladan ma diidana maamulka laakiin markii ay arkeen waxa jira waxay ka baxeen qorshahaan hada socda" Xildhibaan San-dheere ayaa sidaas yiri.

Dhan kale, wuxuu ku eedeeyey Xukuumadda Federaalka inay qaadayso mas'uuliyadda wax kasta oo ka dhasha qaabka loo wajahayo maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galguduud ee ku yaala bartamaha Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya iyo Beesha caalamka ayaa aqoonsaday maamulka loo dhisayo labadaas gobol, waxaana arintaasi ka dhashay khilaaf weyn oo soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Waxaa jira gudi ka kooban 27-xubnood oo laga soo kala xulay beelaha dega gobolladaas, dhowaan ayaana la filayaa inay tagaan magaalada Cadaado oo uu ka furmayo shirka maamulka lagu dhisayo.

GAROWE ONLINE. 

Related Articles

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM