Xildhibaan Xaaji Cabdi Maxamed oo Mombasa ku geeriyoodey

Image

February 12, 2015 (GO)- Xildhibaan Xaaji Cabdi Maxamed (Cabdi Yare) oo ka tirsanaa barlamanka federaalka ayaa maanta ku geeriyoodey magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Xildhibaanka  ayaa muddooyinkii u dambeeyey xanuunsanaa.

Xaaji Cabdi Yare oo muddo dheer kusoo jirey barlamanka kana soo galay gobolka Jubada Hoose wuxuu horay usoo noqdey duqa degmada Kismaayo.

Waa xildhibaankii saddexaad ee ka tirsan barlamanka Dowlada Federaalka ee geeriyooda intii lagu guda jirey sanadkan cusub ee 2015.

January 25, 2015 waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade. Sidoo kale, February 9, 2015 waxaa isla magaalada Muqdisho lagu toogtey Xildhibaan Cabdulaahi Qayaad Barre.

Tirakoob dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaadey in wadarta guud ee xildhibaanada ka tirsanaa barlamanka Somalia ee geeriyoodey tan iyo sanadkii 2004 ay tahay 81 xildhibaan.

Xildhibaanadaas ayaa u badan kuwo si dabiici ah u dhintey waxaase ku jira qaar kale oo lagu diley qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM