Xildhibaan Xasan Abshir oo beeniyay inuu geeriyooday [Dhagayso]

Image

01 November, 2015(GO)-Xasan Abshir Faarax oo muddo  ka soo tirsanaa Barlamanka Somalia dhawaanna xilkaasi iska casilay ayaa manta beeniyay warar lagu qoray qaar ka mid ah mareegaha Internetka, kaasi oo lagu sheegay inuu ku dhintay weerar saaka lagu qaaday Hotel Saxafi ee magalada Muqdishu.

Waxaa uu sheegay inuu haatan nabad qabo kuna suganyahay magalada Nairobi xarunta dalka Kenya, wararkaasina yihiin kuwa been abuur ah.

Ex-Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa xusay  in weerarkaasi dhaliyay khasaaro badan ooo sababay inay naftooda waayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo kuwa horay xilal u soo qabtay.

Xasan ayaa tilmaamay inuu ka mid ahaa dadka daga Hotelka, sidaasina keentay in loo saadiliyo ka mid ahaanshaha, dadkii ku nafwaayay weerarka Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM