Xildhibaan Xidig oo shirka Kismaayo soo dhoweeyey

Image

Arbaco, Sept 17, 2014 (Garowe Online)- Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya kasoo gala Goballada Jubbooyinka ayaa soo dhoweeyey shirka nabadda ee Kismaayo ka socda.

Xidig oo waraysi siiyay Radio Garowe ayaa sheegay in shirka ujeedadiisu tahay sidii loo dhamayn lahaa waxyaabaha ay kala tabanayaan beelaha Jubbooyinka iyo Gado dega iyo waliba sidii looga wada shaqayn lahaa hormarka, nabadgalyadda iyo dowladnimada.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaas raaciyey inaysan jirin dhibaatooyin muuqda oo dadkaasi kala tabanayaan balse ay muhiim noqotay in laysa soo horfariisto oo danaha guud iyo kuwa gaarka ah laga wada hadlo.

Madaxwaynaha Mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo shalay khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ilaa heer tuulo uu gaari doono shirkan nabadaynta ah ayna ka go'an tahay sidii danta shacabka looga wada shaqayn lahaa.

Shirka oo socon doona muddo soddon maalmood ah ayaa galay maalinkii labaad xilli ammaanka magaalada Kismaayana si weyn loo adkeeyey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM