Xildhibaanada baarlamaanka DF oo maanta loo qaybinayo mooshinka

Image

December 2, 2014 (GO)- Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo Talaado ah loo qaybinayaa mooshinka laga keenay xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Kulanka maanta waxaa la saadaalinayaa inuu wax badan ka duwanaan doono kulamadii hore, maadaama labada garab ee baarlamaanku heshiis hordhac ah gaareen iskuna afgarteen in khilaaf kasta oo jira qaab sharci ah lagu dhameeyo.

Fadhiga baarlamaanka ayaa fawdo iyo buuq kusoo dhamaaday saddex mar oo hore oo Guddoonka Baarlamaanku isku dayey inuu qaybiyo mooshinka, kadib markii qaar kamid ah xildhibaannada oo mooshinkaas sharci darro u arkayey kulanka carqaladeeyeen.

Warar madax bannaan oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya inay aad isugu dhowdahay tirada xildhibaanada mooshinka soo gudbiyey iyo kuwa diidan iyadoo ay xusid mudan tahay in xildhibaano toban ka badan kusoo biireen dhinaca xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka. 

Dhanka kale Xildhibaan Cabdibarre Yuusuf Jibriil oo ku jira garabka xildhibaanada taageersan Ra'iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey codka loo qaadi doono mooshinka isagoo sheegay in kalsooni buuxda ku qabaan inay ka guulsanayaan dhanka kale.

Hadii maanta lagu guuleysto qaybinta mooshinka, xildhibaanada waxaa fursad loo siinayaa muddo shan maalmood ah si ay mooshinka ugaga baaraan degaan ugana doodaan iyadoo intaas kadibna codka kalsoonida loo qaadi doono Ra'iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM