Xildhibaanada diidan mooshinka oo kulmay go'aamana soo saaray

Image
Image
Image

November 16, 2014 (GO)- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo horjeeda mooshinka laga keenay xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay.

Kulanka oo looga hadlay xaaladda dalka iyo saamaynta uu mooshinku ku yeeshay guud ahaan hay'addaha dowladda waxaa markii uu soo gabagaboobay laga soo saaray war murtiyeed afar qodob ka koobnaa.

Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibrahim ayaa Saxaafadda u akhriyey qodobadaas oo u qornaa sidan:

  • In xaaladda siyaasadeed ee dalku tahay mid cakiran sababna u yahay mooshinka Xukuumadda laga keenay.
  • In Xukuumadda howshii ay haysay ee loo idmaday ay dardar galiso, lagana dhaafo faro gelinta.
  • Baarlamaanka waxaa horyaalla kalfadhigga 5aad shaqo culus oo ah in la meel mariyo hindise sharciyeedyo, lana dhiso guddigii madaxa banaanaa ee lagu xaqiijin lahaa hiigsiga 2016, taas oo lagu gaari karo wada shaqayn iyo isfaham dhex mara Xukuumadda iyo Baarlamaanka.
  • Ugu danbeyn, halku dhiggeenu waa bad-baadinta Qaranka, ilaalinta Dastuurka KMG ah iyo himillada ummada xaqiijintooda.

Qoraalka xildhibaanada mooshinka kasoo horjeedaa soo saareen oo laga fahmi karo inay fariin u dirayaan dhinaca kale ee mooshinka keenay wuxuu kusoo aadayaa maalin kadib markii fadhiga baarlamaanku fawdo kusoo gaba gaboobey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM