Xildhibaanada Federaalka oo ka horyimid wareejinta Barlamankii hore

Image
Image
Image
Image
Image

Dec 12, 2015 (GO)- Kadib markii maalintii shaley Dec 11,2015 Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Jimcaale xaruntii hore ee Barlamanka Somalia ku wareejiyey ganacsade ayaa xildhibaanada barlamanka Federaalka kasoo horjeesteen talaabadaan.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa maalintii shaley Dec 11, 2015  ku wareejiyey milkiilaha Tv-ga Universal Ex-Barlaman halkaasoo la sheegey in laga dhisi doono goob loo soo dalxiis tago.

Kulan maanta xildhibaanada isugu yimadeen xarunta Barlamanka Federaalka Somalia  magaalada Muqdishu ayey kaga hadleen talaabada u ku wareejiyey gudoomiyaha Banaadir hantida qaranka iyagoo ku tilmaamey iney tahay mid sharci daro ah islamarkaana go'aan deg deg ah kasoo saari doonaan.

Lama oga sababta keentey gudoomiyaha gobolka Banaadir u wareejiyey xaruntaan ka dhaxeysa ummada Somaliyeed ganacsade xilli uu xafiiskaan la wareegey Oct 26,2015.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Mungaab ayaa xilkaan laga wareejiyey kadib markii lagu soo eedeyey inuu shaqsiyaad gaar ah ka iibiyey dhismayaashii dowlada Somaliyeed.

Siyaasiyiinta dowlada Federaalka iyo maamulada gobolka Banaadir ayaa caadeystey iney wareejiyaan dhismayaashii dowlada Somaliyeed kuwasoo lagu dhisey tageeradii dhaqaale ee shacabka Somalia la siiyey tan iyo intii xornimada qaadateen.

Isbitaalka Digfeer, Iskuulkii Banaadir, xaruntii farsamada ee politichnico iyo kuwo kale ayaa gabi ahaanba lagu wareejiyey ganacsato iyo siyaasiyiin u dhashey dalka Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM