Xildhibaano ka tirsan Barlamanka oo diiday baaqa beesha caalamka

Image

VOA- Maxamed Ismaaciil Shuuriye, oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha dastuuriga ah ee Somalia.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka horyimid baaqa wakiilada bulshada caalamka ee ku baqayay in la joojiyo mooshinka oo ay ku tilmaameen inuu burburinayo dadaallada nabadda.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in mooshinkan aanu waxba burburinayn, balse uu wax saxayo, islamarkaana ay ka go’an tahay inay sii ambaqaadaan howlaha mooshinka.

Maxamed Ismaaciil Shuuriye, oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka keenay, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha dastuuriga ah oo ay xildhibaanada Soomaaliyeed ku ixtiraamaan howshooda.

XIldhibaanka oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in mooshinkan uu muujinayo in sharciga Soomaaliyeed loo siman yahay, oo madaxweynuhuna uu ku jiro, haddii xadgudub uu sameeyana lala xisaabtamayo.

Waxa uu ku eedeeyey madaxweynaha in lagu haysto arrimo ay ka mid yihiin musuq-maasuq iyo ku xadgudub dastuur.

VOA

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM