Xildhibaano ka tirsan Barlamanka oo diiday baaqa beesha caalamka

Image

VOA- Maxamed Ismaaciil Shuuriye, oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha dastuuriga ah ee Somalia.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka horyimid baaqa wakiilada bulshada caalamka ee ku baqayay in la joojiyo mooshinka oo ay ku tilmaameen inuu burburinayo dadaallada nabadda.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in mooshinkan aanu waxba burburinayn, balse uu wax saxayo, islamarkaana ay ka go’an tahay inay sii ambaqaadaan howlaha mooshinka.

Maxamed Ismaaciil Shuuriye, oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka keenay, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha dastuuriga ah oo ay xildhibaanada Soomaaliyeed ku ixtiraamaan howshooda.

XIldhibaanka oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in mooshinkan uu muujinayo in sharciga Soomaaliyeed loo siman yahay, oo madaxweynuhuna uu ku jiro, haddii xadgudub uu sameeyana lala xisaabtamayo.

Waxa uu ku eedeeyey madaxweynaha in lagu haysto arrimo ay ka mid yihiin musuq-maasuq iyo ku xadgudub dastuur.

VOA

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM