​Xiriir ka dhaxeeya Shabaab iyo burcad-badeeda Somalida

Image

CADAADO- War kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay inuu jiro xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya xoogaga Al-shabaab iyo kooxaha burcad badeeda Somali-da ee ka qowlaysata xeebaha dalka.

Taliyaha howlgalinta ciidamada Galmudug Maxamuud Maxamed, ayaa cadeeyay inay ogaadeen jiritaanka xiriir wada shaqeyn ah oo ka dhaxeeya Shabaabka iyo Burcad badeeda.

Maxamuud waxaa uu ku sheegay xiriirkaasi inuu yahay in Burcad badeeda rag ajaanib ah oo afduub ahaan ay u haystaan ay la joogaan deeganada ku dhaw Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

"Al-shabaab iyo burcad badeeda waa labo isku hadaf ah, isku si ayaan ula dagaallameynaa, hadane waad ogeydeen xilli aan dheerayn howlgallo dhowr ah oo qaarkoodna laga sameeyay deegaano ka mid ah gobolka Mudug, qeybna laga sameeyay gobolka Galgaduud labadooduba looga fara maroojiyey ajaaniib ay qafaasheen, qeybaha dhimanna waan rajeyneynaa xilli aan dheereyn inay iyagu is soo dhiibaan walibana ay inoo soo gacan geliyaan dadka ay haystaan,” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa ku hanjabay inaysan u dulqaadaneyn in burcad badeeda deeganada Galmudug ay ku haystaan dad ajaanib ah  oo afduub ahaan halkaasi loo geeyay.

Deegaanno ka tirsan Galmudug waxaa ku sugan Al-shabaab, dhinaca kalene waxaa deegaannadaasi kooxaha burcad badeedda ah ay ku haystaan dad ajaaniib iyadoo horay kuwa kale loo soo furtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM