Xiriirada cayaaraha Somalia iyo Jubbaland oo hishiis gaaray

Image

21 Octobar, 2015(GO)-Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Somalia Cabdiqani Saciid Carab oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Kismayo ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas'uulyiinta xiriirka kubada cagta Jubbaland iyo bahda Isboortiga.

Carab ayaa sheegay inay isku afar garteen Afar qodob oo lagu hormarinayo Ciyaaraha Jubbaland, waxaana uu meesha ka saaray inuu jiro kala qo-qob ka jira dhanka xiriirka Somalia iyo maamulkaasi.

Qodobada waxaa ka mid ah, in Jubbaland laga hormarin doono dhinaca farsamada aqoonta iyo maamulka, helitaanka xeerarka lagu maamulo ciyaaraha, in la soo gaarsiiyo fursadaha la siiyo gobolada kale ee Somalia iyo xiriirka kubadda cagta ee maamulkaasi laga taageero dhinaca qalabaynta.

Bahda ciyaaraha Kismayo ayuu tilmaamay Gudoomiyuhu inay hormarsanyihiin, balse u baahanyihiin qalabayn iyo taageero ay helaan, wuxuuna ka digay in la sameeyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara hormarinta ciyaaraha Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM