Xog: xildhibaannada Maamulka G. Dhexe oo Muqdisho u baxsaday!

Image

July 14, 2015 (GO)- Inta badan xildhibaannada baarlammaanka maamulka gobollada dhexe ee dhowaan degmada Cadaado lagu dhisay ayaa maalmihii u dambeeyey gaarey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay in arrintani salka ku hayso kadib markii xildhibaannadu la kulmeen hanjabaado iyo handadaad uga timid qaar kamid ah murashaxiintii looga guuleystey doorashadii madaxtinimada ee Cabdixakiim Xuseen Guuleed kusoo baxay.

Mileeshiyo beeleed taabacsan siyaasiyiintii laga guuleystey ayaa ku hanjabey inay beegsan doonaan xildhibaannadii ka qaatey lacagaha tirada badan hadana codadkooda u weeciyey dhanka Mudane Cabdikariim.

Xubnaha baarlammaanka maamulka Gobollada Dhexe oo cabsi ka qaba in la shirqoolo maadaama ammaanka Cadaado yahay mid aan si fiican u sugnayn, waxay badankoodu iska xaadiriyeen magaalada Muqdisho.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa murashaxa bixiyey lacagta ugu badan, balse waxaa jira murashixiin kale oo Axmed Cabdisalaan iyo Fiqi ay kamid yihiin, kuwaas oo dhaqaale badani kaga baxay doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM