Xoghayihii hore NUSOJ oo lagu weeraray Muqdishu [Dhagayso]

Image

29 December, 2015(GO)-Xoghayihii hore ee ururka Suxifiyiinta Somalia ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa la sheegayaa in lagu weeray magalada Muqdishu gaar ahaan goob aan ka fogayn guri uu deganaa oo ku yaalla degmada Hodon xilli uu ku sii jeeday gurigiisa.

Faaruuq oo weerarka kadib la hadlay VOA-da ayaa sheegay in koox tira ahaan uu ku qiyaasay saddex ruux isla markaana watay gaari yar soo weerareen iyagoo adeegsanaya hubka fudud, wuxuuna tilmaamay inuu bad qabo laakiin dhaawac soo gaaray mid kamida ilaaladiisa.

Waxuu ku tilmaamay weerarkiisa inuu ku tuhmayo arrimo la xiriira shaqadiisa (Saxafinnimo), balse aysan jirin wax dambi ah oo ka galay shakhsi ama cid gooni ah.

Laamaha amniga ayuu xusay inay wadaan baaritaanno ku aaddan qaabka wax u dhaceen iyo cidda ka dambaysay weerarka xoghayihii hore NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan.

Falkan ayaa ku soo beegmay xilli maanta hay'adda difaacda saxafiyiinta caalamka ee loo yaqaano CPJ soo saartay tirada wariyaasha sannadkan ladilay, waxaana Somalia gashay kaalinta sagaalaad iyadoo ladilay saddex saxafi oo ay u dambaysay Hindiyo Xaaji oo u shaqaynaysay warbaahinta dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM