Xubno ka tirsan Al-shabaab oo degmada Ceelbuur lagu qabtey

Image

March 4, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Galguduud ayaa qabtey saddex qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada dowladda ee Galguduud Col. Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in saddexda qof lagu soo qabtey hawlgal laga sameeyey gudaha degmada Ceel-buur.

Taliyuhu ma xusin in xubnaha la qabtey qaar saraakiil ahi ku jiraan balse wuxuu sheegay in xilligan baaritaan lagu wado dhowaanna magaalada Muqdisho loo gudbin doono.

Ciidamada Dowladda ee gobolka Gedo ku sugan ayaa horay u qabtey xubno ka tirsan Al-shabaab oo qaarkood saraakiil ahaayeen.

Zakariye Ismaaciil Xirsi oo xilal sare kasoo qabtey Al-shabab ayaa kamid ah xubnaha ciidamada dowladdu gobolka Gedo ku qabteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM