Xubno ka tirsan Al-shabaab oo gobolka Gedo lagu qabtey

Image

January 29, 2015 (GO)- Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Gedo ayaa shaaciyey inay qabteen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Col. Cabdullaahi Maxamed  Abshir ayaa sheegay in dagaal ka dhacay duleedka Garbahaareey ciidamadu kusoo qabteen tiro dagaalyahano ah oo kooxdaas ka tirsan.

Sarkaalkan oon faah faahin ka bixin tirada rasmiga ah ee xubnaha ay qabteen wuxuu sheegey in dhowaan warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Bishii December ee sanadkii hore 2014 ayey ahayd markii uu ciidamada Dowlada Federaalka ee gobolka Gedo  isu soo dhiibey Zakariye Ismaaciil oo ka tirsanaa hoggaanka sare ee Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab oo laga saarey badi magaalooyinkii ay koonfurta dalka kaga sugneyd, waxay weli ka arimisaa deegaano ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo bishan horraanteedii warbaahinta la hadlay, wuxuu sheegay inay dhowaan bilaabayaan hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga sifeynayo gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM