​Xubno katirsan Al Shabaab oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdushu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax ay Labo qof ku dhimatay, mid kalena ku dhaawacmay ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasimada dalka Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane, ayaa xaqiijiyay in labada ruux ee geeriyootay ay ahaayeen xubno katirsan Al shabaab, kuwaasoo ku naftooda ku waayey Qarax ay aasayeen.

"Labo kamid ah Al shabaab ayaa ku waayay naftooda qarax miino oo ay ku aasayeen Wadada Ex-control Afgoye, mid kale oo la socdayna dhaawac ayaa kasoo gaarey, ma jirto dad shacab ah oo wax ku noqday," Ayuu yiri Xalane.

Qaraxa wuxuu ka dhacay Isgoyska Ex-control Balcad, ee degmada Heliwa Xalay Saqdii dhexe abaare 3:00AM, halkaasi oo inta badan adeegsadaan Gaadiidka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia.

Majirto wax war ah oo dhinaca Al Shabaab kasoo baxay, balse dhacadadan ayaa qayb ka ahay kuwo horay u marar kala duwan uga dhacay magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM