Xukun lagu riday dad loo haystay qaraxii Diyaaradda Daalo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Maxkamadda ciidamada qalabka sida Soomaaliya, ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday dad loo haystay inay ka dambeeyeen qaraxii 02 February, 2016, lala beegsaday diyaaradda Daalo oo waqtigaas ka duushay garoonka diyaaradah magalada Muqdishu.

Xukunnada maxkamaddu riday ayaa isugu jiray xabsi daa'im, sannad iyo Lix bilood.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo ku dhawaaqay xukunka, ayaa sheegay in Cabdiwali Maxamuud Macow iyo Careys Xaashi Cabdi oo maqane ah lagu xukumay xabsi daa'im.

Carays, ayaa la sheegay inuu ka tirsanyahay kooxda Shabaab islamarkaana uu soo maleegay falkaasi oo lagu fuliyay Laptop waxyaabaha qaraxa lagu dhajiyay. Wuxuu sidoo kale kharash ku bixiyay fududaynta arrintaasi sida maxkamaddu caddaysay.

Dadka kala ah; Abshir Maxamed Macallin Axmed, Safiyo Cabdillaahi Xasan Cali, ayaa lagu xukumay Afar sano oo xabsi ciidan ah, halka Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi la dul dhigay xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay hal sano oo xabsi ciidan ah.

Waxaa sidoo kale min lix bilood oo xabsi ah lagu xukumay; Bashiir Cabdillaahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida Soomaaliya, ayaa sidoo kale dib xorriyadoodii ugu celisay dadka kala ah; Cumar Macallin Calasow, Cali Maxamuud Cabdiraxmaan, Cabdullaahi Cabdiqaadir Abuukar, Ismaaciil Maxamed Xirsi iyo Faarax Khaliif Cali Maxamed, kadib markii wax dambi ah lagu waayay.

Guud ahaan dadka falkaasi loo haystay ayaa ahaa 13 qof, waxaan tuhunkii lagu helay 8 qof, halka 5 kale lagu waayay.

Mas'uuliyadda qaraxii diyaaradda Daalo, waxaa horay u sheegtay ururka Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM