Xukun lagu riday nin loo haysto geerida 700 oo qof

Image

Dawladda Talyaaniga ayaa 18 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Tunisia oo lagu eedeeyay doorkii uu kulahaa dhimashada 700 oo qof oo tahriibeyaal ahaa.

Dadkaasi ayaa bishi April ee sanaddii 2015 waxa ay ku geeriyoodeen badweynta Mediterranean ka, markii ay la degtay doonidii ay saarnaayeen.

Sidoo kale maxkamaddu waxay 5 sano oo xadhig ah ku riday kaaliyihiisii oo la sheegay inuu u dhashay dalka Syria.

Boqolaalka qof ee ku dhintay doonidaasi ayaa waxaa ku jiray dad badan oo Afrikaan ah oo Soomaalina ay ka mid ahayd.

Sahra Cabdi Axmed ayaa hadaba khadka telephone ka kula xidhiidhay Shukri Saciid oo ka tirsan wargeyska La Republican oo ka soo baxa dalka Talyaaniga, kana wareysatay arrintan.

VOA

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM