Xukuumadda Federaalka oo maanta codka kalsoonida loo qaadayo

Image

December 6, 2014 (GO)- Xildhibaannada baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida u qaadi doona xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Baarlamaanka ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku mashquulsanaa ka doodista mooshinka laga keenay xukuumada oo dadaal badan kadib lagu guuleystey in la qaybiyo Talaadadii lasoo dhaafay taariikhduna ku beegnayd December 2, 2014.

Mooshinka oo khilaaf xooggan ka dhex abuuray Golaha islamarkaana sababay in xildhibaanadu labo garab u kala jabaan, waxaa badi dadka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadiisa ku nooli aad ugu dheg taagayaan natiijada kasoo bixi doonta.

Dadka siyaasadda dalka ka faallooda qaarkood ayaa saadaaliyey in codka kalsoonida lagala laaban doono xukuumada halka ay jiraan qaar kale oo qaba fikir taas ka duwan, kuwaasoo ku doodaya in aan natiijada laga hor dhici karin maadaama tirada xildhibaannada mooshinka soo gudbiyey iyo kuwa diidani aad isugu dhow dahay.

Haddii Ra'iisul Wasaaraha la eryo iyo haddii uu ku guuleysto inuu sii joogo labadaba dani kuma jirto, maadaama dhismaha xukuumad cusub qaadan doonto waqti dheer islamarkaana shaqooyin badan oo la rabey inay qabsoomaan kahor sanadka 2016 dib u dhici doonaan, sidoo kale haddii Cabdiweli Sheekh ku guuleysto inuu helo kalsoonida baarlamaanka waxaa adkaan doonta in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh si habsami leh u sii wada shaqeeyaan.

Sanad kahor ayey ahayd markii baarlamaanka Dowladda Federaalku kalsoonida kala noqdeen xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM