​Xukuumadda Somalia oo ka hadashay siyaasadda Jandarka la xiriirta

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Federalka Soomaliya, ayaa maanta ka hadashay dood ka dhalatay siyaasadda haweenka dalka ee la xiriirta Jandarka, taasoo oo ay soo diyaarisay wasaaradda islamarkaana xukuumaddu meelmarisay.

Siyaasaddan ayaa waxaa kasoo horjeestay culimaa'uddiinka Soomaaliyeed kuwaas oo sheegay inay baalmarsantahay diinta Islaamka islamarkaana fududaynayso in lagu xad-gudbo awoodaha EEBBE jideeyay ee Ragga iyo Dumarka u dhaxeeya.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdishu, wuxuuna sheegay in si khaldan loo turjumay siyaasadda haweenka isagoo caddeeyay inaysan meelmarin xukuumaddu qodobo ku xad-gudbaya diinta Islaamka.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka ayaa ku casuumay golaha culumaa’udiinka Soomaaliyeed inay ka soo qeybgalaan shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirada si ay u ogaadaan xaqiiqda dhabta ah ee sharciga

Dhinaca kale waxaa arrintaasi ka hadashay wasaaradda haweenka Soomaaliyeed, waxaana Agaasimaha Jandarka Sacdiyo Maxamed Nuur oo la hadlaysay Radio Garowe, sheegtay inaysan waxba ka jirin arrinta culimadu ka hadashay iyadoo sheegtay in siyaasaddan diiradda lagu saaray afar qodob oo ay kamid tahay qoondada ay haweenku ka helayaan doorashada waddanka ka dhacaysa 2016.

Siyaasaddan ayaa sidoo kale saamayn xooggan ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed, waxaana tan iyo markii culimadu ka hadashay soo baxaysay aragtiyo kala duwan oo shacabku isumarinayeen baraha bulshada.

HALKAN KA AKHRISO SIYAASADDA WASAARADDA HAWEENKA EE GENDER-KAR LA XIRIIRA

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM