Xukuumadda Somaliland oo wadahadal ugu baaqdey mucaaradka

Image

May 13, 2015 (GO)- Xukuumadda Somliland ayaa sheegtay inay wadahadal la furi doonto mucaaradka si looga arrinsado go'aankii Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyeen xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Zaylici oo shir jaraa'id maanta magaalada Hargeysa ku qabtey, wuxuu sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay la xaajooto axsaabta mucaaradka si khilaafka jira xal deg deg ah looga gaaro.

 

Zaylici oo la weydiiyey su'aal ahayd, malaga yaabaa in laga laabto go'aankii Golaha Guurtidu waqtiga ugu kordhiyeen xukuumadda, wuxuu ku jawaabey:

"go'aankaas  laga noqo mayo ee waxaa laga wada hadlayaa sidii laysu qancin lahaa nabadgelyadana loo ilaalin lahaa" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey in go'aanka muddo kordhintu kasoo baxay Golaha Guurtida oo isagu ah hay'adda dastuuriga ah ee ugu sarreysa Somaliland.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii Golaha Guurtidu xukuumadda Siilaanyo waqtiga u kordhiyeen iyagoo ugu daray muddo sanad iyo toban bilood ah.

Go'aanka Golaha Guurtida waxaa kasoo horjeestey xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo Ucid, waxayna ku tilmaameen tallaabo sharci darro ah oo aan sinaba loo aqbali karin.

Muddaaharaadyo rabshad watey oo ka dhashay arrintan ayaa ka dhacay magaalooyinka waweyn ee Somaliland, waxaana xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah mas'uuliyiinta xisbiga Wadani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM