Xulista xildhibaannada barlamanka Jubaland oo gabagabo ku dhow

Image

March 18, 2015 (GO)- Waxaa gabagabo ku dhow soo xulista xildhibaannada barlamanka ay yeelan doonto Dowladda Jubbaland.

Xildhibaannada lasoo xulayo oo tiradoodu gaareyso 65 mudane intooda badan waa lasoo gudbiyey, waxaase jira beelo aan weli xildhibaannada meteleya keensan oo iyaga dhexdooda muran ka taagan yahay. Qaybsiga tirada mudaneyaasha barlamanka waxaa lagu saleeyey deegaannada, arrintaasoo qaar kamid ah beeluhu saluugeen.

Guud ahaan saddexda gobol ee Jubaland ka kooban tahay waxaa loo qaybiyey 15 degmo kuwaasoo midkiiba la siiyey afar xildhibaan marka laga reebo caasumadda Kismaayo oo iyadu yeelan doonta 9 xildhibaan.

Magacyada xildhibaannada waxaa horay loo qorsheeyey in la shaaciyo berri oo bisha March 19 tahay, balse waxaa jira walaac laga qabo in dib u dhac ku yimaado maadaama weli si buuxda tiradooda loo soo dhameystirin.

Laga soo bilaabo January 20, 2015 xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo waxaa ku shirayey ergooyin isugu jira isimmo, cuqaal, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin ka kala yimid gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM