Xus loo sameeyay ciidamada xoogga Somalia

Image

MUQDISHU- Waxaa maanta meelo badan oo dalka Somalia ka mid ah laga maamuusay maalinta ciidamada xoogga dalka Somalia oo ku beegan 12 April.

Magalada Muqdishu ayaa lagu sameeyay dabaal dag xooggan oo ka qayb galeen sarakiisha ciidamad difaaca dalka Somalia iyo xubno katirsan wasaaradda gaashaandhigga.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa diray hambalyo ku aadan maalintan iyo qiimaha ay leedahay, waxayna ciidanka ku ammaaneen doorkooda ku aadan difaaca iyo xasilinta waddanka.

Waxay sheegeen inay ciidanku yahay laf-dhabarta dowladnimada iyagoo sheegay inay taageero dhan walba ah la garab taaganyihiin halyeeyada dhiigooda iyo dhacaankooda u horay difaaca dalka.

12-ka April ee sanadkii 1960-kii ayay ahayd markii la aas aasay ciidanka xoogga dalka Somaliyeed, waxaana sannad walba xilligan oo kale la qabtaa dabaal dagyo xooggan oo lagu qiimaynayo maalinta ciidanka xoogga dalka .

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM