​Yusuf Garaad oo loo magacaabay safiirka Somaliya ee QM

Image

MUQDISHU- Dowladda Federalka Soomaliya ayaa madaxii hore ee laanta Afka Soomaliga BBC Yuusuf Garaad Cumar, u magacowday Madaxa joogtada ah ee Ergada Soomaaliya u joogi doonta xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York dalka Maraykanka.

Yusuf Garaad ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magalada Muqdishu, wuxuuna ahaa lataliye dhanka warbaahinta ee madaxweynaha dalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Wuxuu sidoo kale sannadkii 2012 isu soo taagay madaxweynaha dalka Soomaaliya, xilligaasi oo la doortay Xassan Sheekh.

Safiirkan cusub ayaa badali doono Cilmi Ducaale, oo muddo kabadan 10 sano xilkaasi hayay.

Magacaabistan ayaa lagusoo beegay xilli dalka Soomaaliya ka socdo loollan xooggan oo loogu jiro hogaanka sare maadaama doorashada madaxtinimo ee waddanka dhici doonto dabayaaqada sannadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM