Muuse Biixi Cabdi oo magacaabay mas'uuliyiin cusub

Image
Shaqsiyaadka uu magacaabay ayuu xusay in uu kusoo xushay aqoontooda, kartidooda iyo waaya-aragnimadooda.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa xil qaadis, bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda, sidda maanta lagu sheegay wareegto.

Biixi oo la hadlaya xubnaha oo eryay ayaa yiri "sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka".

Shaqsiyaadka uu magacaabay ayuu xusay in uu kusoo xushay aqoontooda, Kartidooda, Waaya-aragnimadooda iyo markan ku qancay "in ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan".

Mas'uuliyiinta cusub ee la magacaabay ayaa kala ah;

1) Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex

2) Maxamed Diiriye Xayd Nuur  Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh.

3) Maxamed Cilmi Xuseen Axmed  Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

4) Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

5) Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

6) Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.

7) Siciid Shugri Xuseen Cali  Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone.

8) Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera.

9) Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii sidaan oo kale Muuse uu magacaabay wasiiro cusub isaga oo isku-shaandheyn ku sameeyay taasoo galaafatay xubno muddo badan kamid ahaa golihiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM