Suldaan lagu caleemo saarey tuulada Jalam, issimo aan ka qayb galin

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, 14 June,2015 (GO)- Suldaanka beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamuud) Suldaan Maxamed Suldaan Axmed (Hure) ayaa maalinimadii Jimcaha 12 June,2015 lugu caleema-saaray deegaanka Jalam oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Caleemo saarka suldaanka ayaa waxaa kasoo qayb galey qaar ka tirsan isimmada Puntland oo ay horkacayeen Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Maxamuud, Suldaan Saciid Maxamed Garaase, xildhibaano, maamulka gobolka Nugaal, ganacsato iyo dadweyne kale.

Islaan Ciise oo khudbad ka akhriyey furitaanka munaasabadaas ayaa waxaa u sheegey inuu soo dhoweynayo magacaabista Suldaanka da'da yar islamarkaana uu qayb ka qaadanayo talo siintiisa iyo tababarkiisa.

Suldaan Siciid Maxamad Garaase oo ay wada-dagaan yihiin Suldaanka cusub ayaa isna sheegey in uucdoor muhiim ah ka qaadan doono barbaarinta Suldaanka iyo waxbaradiisa isaga oo sheegey inuu yahay nin yar oo ku soo biirey saladiinta Puntland.

Nabadoonka guud ee beesha Maxamed Cumar ee suldaanka soo dooratay, nabadoon Saciid Warsame Ciiraale (Soocadde) ayaa dhankiisa sheegay beesha inay isku raacday suldaankan oo dhaxal-tooyo ku helay, maaddama uu aabihii ahaa suldaanka guud ee beesha.

Suldaanka cusub oo aabihii ahaan jirey suldaanka guud ee beeshaan ayaa dhintey waqtigii dagaalka sokeeye ka dhacey Puntland markaasoo xilka madaxtinimada ku hardamayeen AHN madaxweynihii hore ee Somalia Cabdulahi Yusuf Axmad iyo Jaamac Cali Jamaac,

Munasabadda caleemo saarka suldaanka cusub ayaa waxaa aan kasoo qayb galin Islaan Bashiir Islaan Cabdulle sababo aan la cayimin halka uusan kasoo muuqan Burhaan Boqor oo isna ku sugnaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Dhinaca kale waxaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Puntland ka baaqsadey kasoo qayb galka caleemo saarka Suldaankaa iyadoo abaabulayaasha caano-shubku Garowe Online u sheegeen in Madaxweynuhu horay u ballan qadey inuu kasoo qayb geli doono xafladda.

Magacaabista Suldaankaan ayaa imaaneysa xilli beesha uu kasoo jeedo in muddo ah hadal hayeen cidda badali doonta isimka beeshooda oo dhintey muddo hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM