Turkiga oo su'aallo waydiiyey danjiraha Norway u fadhiya Ankara

Image
Talaabadan ayaa salka ku haysa ka hortagga talaabo kale oo lagu gubayo Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

ANKARA, Turkey - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa u yeertay safiirka Norway, Erling Skjonsberg, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah iyo saxaafadda ku hadasha afka dowladda dalkaas.

Talaabadan ayaa salka ku haysa ogolaanshiyo ay mas’uuliyiinta Norway bixiyeen kaasoo ku saabsan isu-soo-bax kale oo la doonayo in lagu gubo kitaabka qur'aanka kariimka ah.

“Markii aan ogaanay in Berrito dalka Norway uu ka dhici doono weerar ka dhan ah kitaabkeena Qur’aanka Kariimka ah, safiirka Norway u fadhiya Turkiga [Turkiga] ayaa hadda looga yeeray wasaaraddayada,” ayuu yiri ilo dublamaasiyadeed oo Turki ah oo la hadlay wakaaladda Anadolu Khamiistii.

Illo wareedka ayaa ku daray: "Habka [Norway] ee ah in aan laga hortagin falka qorshaysan ee kicinta ah, kaas oo si cad u ah dambi nacayb… waa wax aan la aqbali karin, waxaana filaynaa inaan falkan la ogolaan".

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo bishii hore uu mudaharaad ka dhacay caasimadda Sweden gaar ahaan meel u dhow safaaradda Turkiga, halkaas oo siyaasiga midigta-fog ee Danish-Swedish ah Rasmus Paludan uu ku gubay Qur’aan.

Turkiga ayaa Sweden ku dhaleeceeyay in ay gubeen qur’aanka kariimka ah iyo sidoo kale banaanbax gooni ah oo ay dhigeen dadka u dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta ee taageera xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK.

PKK waa koox tan iyo 1984-kii waday kacdoon ka dhan ah dowladda Turkiga waxaana Turkiga, Midowga Yurub iyo Maraykanku ay u aqoonsan yihiin "urur argagixiso ah".

Norway waa xubin aasaasi ah oo ka tirsan isbahaysiga NATO, oo ka kooban 30 xubnood, waxaana la aasaasay 1949. Ogolaanshiyaha ay bixisay waxay ka dhigan in ay cadaadis saareyso Ankara oo diidan Sweden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM