Aas Qaran oo loo sameeyay gudoomiyihii gobolka Nugaal

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay, Aas Qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal AHUN Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir).

Ka qeybgalka Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil, Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland Abdiweli Maxamed Cali Gaas, Xubnaha Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada, Saraakiisha Laamaha Amniga, Hogaanka Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Aaska kula kulmay Xubno ka mid ah Qoyskii AHUN Guddoomiye Cabdisalaan Gujir, Kuwaasi oo uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM