Ajaaniib katirsanaa Al-Shabaab oo lagu xukumay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo Khamiis ah xukun ku riday xubno ajaanib ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Labada nin ayaa u kala dhashay dalalka ingiriiska iyo Malaysia, waxaana lagu magacaabaa Darren Anthony Byrness iyo Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid. Waxay Soomaliya yimaadeen 2009 iyo 2010 si ay ugu biiriyaan Al-Shabaab.

Darren Anthony Byrness,wuxuu qayb ka ahaa Weerar kooxda Al-Shabaab qorsheeyeen inay ka fuliyaan dalka Faransiiska isagoo qorshaha qaybta uu ku lahaa ay ahayd inuu kireeyo guriga ay degayaan kooxda weerarka fulinaysaa.

Anthony Byrness ayaa heya’addaha Amniga u sheegay in kooxda Al-shabaab guryo qarsoodi ah ku leeyihiin dalalka kala ah Kenya, Burundi, Senegal, Uganda iyo dalal kale oo ku yaal galbeedka iyo bartamaha Afrika.

Wuxuu sidoo kale Al-Shabaab ka caawin jiray sugista xoggaha kooxda ee guddaha iyo dibedda isagoo ka caawin jiray Barnaamujyadda xogta lagu ilaaliyo ee “Software”, wuxuu sidoo kale ka qayb qaatay Dagaaladii ka dhacay Muqdisho, Galgaduud, Gedo iyo Shabeelooyinka.

Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid oo kasoo jeeda Malaysia waxuu dhankiisa ka caawin jiray Al-Shabaab Adeega Gurmadka deg dega ah,  isagoo ka qayb galay dagaallo Muqdisho iyo Dhuusamareeb ka dhacay.

Axmed Mustaqiim iyo Darren Anthony 18-kii bishii April 2019 ayey u gacan galeen Ciidanka Puntland, iyadoo dhowr bil ka dib labada Ajaanibta ah loo soo gacan geliyey dowladda dhexe Soomaaliya.

Axmed Mustaqiim iyo Darren Anthony ayaa Maanta lagu xukumay midkiiba 15 sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuuto oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan rafcaan.

GAROWE ONLINE + SONNA

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM