Axmed Madoobe oo Xariga ka jarey Maxjar Cusub [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubba kaas oo laga hirgaliyay duleedka Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubbaland Mudane Maxamed Nuur Buule maamulka maxjarka Odayaal dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa kasoo qayb galay munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Maxjarka.

Madaxweynahu wuxuu soo kormeeray dhamaan qaybaha uu Maxjarkan oo ah kan ugu weyn Soomaaliya uguna tayada sareeya ka kooban yahay.

Si gaar ah Madaxweynahu wuxuu booqday qaybta baarista Caafimaadka isagoo la sheekaystay wax badana ka dhagaystay dhamaan dhakhatiirta qaybtan ka shaqeeya.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay hirgalinta hawshan oo uu xusay in Dalka iyo deegaankaba ay muhiim u tahay.

“Marka la eego xoolaha Magaalada lagu qalo waxaan doonaynaa in Caafimaadkooda uu yahay mid la isku halayn karo sidaas darted waxaan rajaynayaa in halkan hawsha barista lagu samayn doono” ayuu yiri Madaxweynahu.

Dadweynaha ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ka muhiimsan yihiin kuwa dalal shisheeye jooga ee xoolaha halkan la keeno loo dhoofinayo sidaas darteedna wuxuu maamulka maxjarka iyo Wasaarada Xanaanada Xoolaha ku booriyay in bad qabka Xoolaha lagu dadaalo.

Soomaaliya iyo Gobolka oo dhan ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ugu baaqayaan in ay ka faa’iidaystaan maxjarkan oo ay halkan dadka xoola dhaqatada ah xoolahooda ka dhoofistaan si waliba fudud oo kharash badan uuna kaga baxaynin.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu ku booriyay maamulka Maxjarka in wax badan oo ahmiyad ah la siiyo dadka xoolaleeyda ah oo Khasaaraha iyo faa’iidadaba lala qaybsado wakhtiyada Cudurada ay dilaacaana baaris dheer la sameeyo si aysan ugu faafin Xoolaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM