Beesha Caalamka oo lagala hadlay dardargelinta gurmadka Qardho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay isku dubaridka u gurmashada Qardho oo ay ka qeyb galeen safiirrada dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya, hay'adaha gargaarka, QM iyo Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay xaaladda taagan, iyo nuuca kaalmada degdegta ah ee hadda loo baahan yahay.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay in xaaladahaan oo kale wadajir loo wajaho, ayaa ugu baaqay hey’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya inay u gurmadaan dadka reer Qardho si dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada aha ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntiland ku amaanay sida midnimada iyo dhaqsaha leh ee ay ugu gurmadeen dadka ku nool qardho xilligii ay daadadku kusoo rogmadeen.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM