Boqor Burhaan oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xalay hoygiiga ku qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo booqasho ku jooga Muqdisho.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad-celiyay soo dhawaynta uu hoygiisa ugu sameeyay, ayaa bogaadiyay dadaalka ay hoggaanka dalku uu ugu jiro soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, isaga oo ballan qaaday in dhaqanku ay ku garab taaganyihiin dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulanka uu boqor Burhaan la qaatay ka sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ay dowr muhiim ah ku leeyihiin horumarinta bulshada, xasiloonida, nabadaynta iyo arrimaha dhab-u-heshiinta, ayna muhiim u tahay umadda Soomaaliyeed in dhaqanku ay xoojiyaan dawrkaas wanaagsan ee laf-dhabarta u ah nolosha ummadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM