Farmaajo oo qaabilay safiirada cusub ee Austria iyo Canada

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Austria iyo Canada ee Soomaaliya.

Safiirka Austria, Christian Fellner oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Alexander Van der Bellen ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal.

Der Bellen ayaa  dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Canada Marwo Lisa Stadelbauer oo warqadaheeda aqoonsiga u gudbisay Madaxweynaha ayaa sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna.

Dhankiisa, Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

Madaxweynaha oo Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay ayaa u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed.

Aqalka looga arimiyo Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Farmaajo uu u xaqiijiyey safiirada in Dowladda Federaalka ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Wadamada Kanada iyo  Austria oo qaabilay qaxooti Soomaaliyeed ayaa waxay kamid yihiin dalalka ka taageera Soomaaliya dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM