D. Federaalka lacag dul dhigtey 11 ka tirsan saraakiisha Al-shabaab

Image

April 9, 2015 (GO)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan-koodii caadiga ahaa oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray Amniga guud ee dalka, xaaladaha dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Yaman iyo Kenya, waxana ay Xukuumaddu madaxooda dul-dhigtay lacago hoggaanka ugu sareeyo Kooxda Al-shabaab.
 
Ugu horeyn Golaha Wasiirada ayaa ka dooday liis ay ku qoran yihiin 11 horjooge oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, waxana golaha wasiiradu ansixiyeen lacago lagu abaal marinayo cidii keenta macluumaad ku aadan halka ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasha sar sare ee ururka Al-shabaab. Ragga ay dowladda Soomaaliya lacagta ku raadinayso waxaa ku jira hogaamiyaha guud ee Al-shabaab Axmed Diiriye oo Shabaab dhexdooda looga yaqaan Abu Cubayda, kaas oo madaxiisa la dul dhigay $250,000.

Sidoo kale waxaa abaalmarin lacageed oo gaaraysa $150,000 ilaa $100,000 qofkiiba la dul saaray madaxda kale ee Al-shabaab sida; Mahad Warsame Qalay (Mahad karate), Cali Maxamed Raage (Sh. Cali dheere), C/laahi Cabdi (Da’ud Suheyb), Maxamed Maxamuud Nuur (Suldan), Cali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto), Xasan Maxamed Cali (Afgooye), C/laahi Cismaan (Ismaaciil), Maxamed Cabdi Muuse (Haabiil), Maxamed Maxamuud (Dul-yadeyn Kunno), Yaasiin Cismaan (Kilwa) waxaa abaalmarintan qaadan doona cid walba oo sheegta meesha ay joogaan raggan ama suuragalisa in gacanta lagu dhigo.

Dhanka kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xayiraada ay dowladda Kenya kusoo soo rogtay Xisaabaadka Shaqsiyaad ay ku jiraan dad Soomaaliyeed iyo Xawaaladaha qaar ee ay adeegsadaan Soomaalidu, waxana Golaha Wasiiradu ay sheegeen in dalka Kenya uu joogo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane C/salam Cumar Hadliye, kaas oo Kenya kala xaajoonaya arrimaha taagan.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa sheegay in guddi loo xil-saaray samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhiban dalka Yaman, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay u dirtay dalka Yaman Markab ka qeyb qaata daad gureynta dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan si ay uga bad-baadaan dagaallada ka soconaya dalkaas.

—DHAMMAAD—-

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM